Welcome Sagra
Somali Agronomist Assosiation
 
Sagra
Home
links

Somaliweyn
Hiiraan
Dayniile
Midnimo
Banaadir
Aminarts
Waxaa maanta noo suurta gashay in aan wareysano aqoonyhanka Dr Maxamud Hussein Cige Haystana Shahaadada Phd ee cilmiga Beeraha, waxaa waresigaasu noo soo qaaday Samme Somaliweyn.org
International Institute of Tropical Agriculture
Somali Agricultural Technical Group

 

 

Warar qubane ah
Wareysi Radio Somaliweyn la yeeshay Prof. M.Cali Abukar:
Waxan u hambalyeynayaa SAGRA…

Waa barnaamij taxane ah oo aanu uga hadi hoono dacwada islaamka iyo wadamada reer galbeedka iyo islamka. Waa qeebtii 1aad waxaana inoo soo jeedin doono Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxudiin Celi Prof. Max’ed Cali Abukar oo hore u ahaan jiray Maareeyiha Mashruucii Fidinta Beeraha ee Soomaaliya ayuu wareysi uu la yeeshay Website-ka Somaliweyn barnaamijka Aqoonta iyo Aqoonyahanka ugu hambalyeeyey aqoonyahannada beeraha SAGRA; dadaalkooda ay isugu yimaadeen kuna sameeyeen urur noocan ah.

Professor-ka hadda wuxuu ku nool yahay dalka Mareykanka, wuxuuna ka dhigaa aqoonta la xiriirta maareynta fidinta beeraha jaamacadda heerka labaad ee Utah State University.

Qeybtan soo socota waxay ka mid ahayd wareysi uu siiyey wariye ka tirsan Somaliweyn:

Su’aal: Ururka ka jira waddanka ee SAGRA (Somali Agronomists Association) waxqabad intee la’eg oo faa’iido ah ayuu ummadda Soomaaliyeed u keeni karaa baad is leedahay ?

Jawaab: “Ururkan SAGRA ama Somali Agronomists Association oo xaqiiqdii maalintii ugu horreysay aan arkay (maqlay) aad baan ugu farxay, isagoo aad ugu mahadsan Calasow (Dott. Xuseen Cabdi Calsow) baa ila socodsiiyey. Run ahaantii dabadeedna barnaamijka oo dhan baan si fiican ugu kuurgalay, aad baan ugu hambalyeynayaa aqoonyahannada Soomaaliyeed ee fikraddan hirgeliyey iyo hoggaamiyahooda Axmed Hiraabe” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray “ Axmed Hiraabe aqoon wanaagsan baan u leeyahay kartidiisa iyo waxqabadkiisa. Waxaan aaminsanahay midda tan (ururkan), mid loo baahan yahay in ay ahayd; in Ilaahay haleeshiiyey. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu ku guuleysiiyo. Hase yeeshee, aqoonyahannadii beeraha ee Soomaaliyeed meel kasta ooy joogaan waxa loo baahan yahay in ay member (xubin) ka noqdaan SAGRA; isla markaana ay kalsooni iyo wax-qabad iyo fikrad intaba ay ku kaaliyaan raggan dhallinyarada ah ee ka howlgalaya dalka gudihiisa. Runtii inay garab hiil iyo hooba ugu magaciisiyeeyaan (deeqaan), taas baan soo jeedin lahaa, aad baan ugu hambalyeynayaa .”.

Nigeria, FAO oo ka billaabeysa barnaamijka Amniga Cunnada

ABUJA, Feb. 6 (Xinhuanet) - Dowladda Nigeria iyo Ururka Cunnada iyo Beeraha ( FAO) ayaa ka hirgelinaya barnaamijka amniga cunnada ilaa 109 goobo beereed oo dalka oo dhan ah, sidaas waxa weriyey wakaaladda wararka rasmiga ee Nigeria.

Kharashka ku baxaya, kaas oo hoos imanaya barnaamij qarameed gaar ah looguna talagalay amniga cunnada, waxana bixiyay dowladda Nigeria, halka FAO maareyneyso hirgelinta iyadoo bixineysa kaalmo farsamo.

USA oo gargaaraysa dhibanayaasha Tsunami

Feb. Safiirka Maraykanka ee Kenya William M Bellamy, ayaa ku dhawaaqay in dowladda Maraykanka ay hal million oo doollar deeq gaaraysa ugu yaboohday dadka waxyeelladu ka soo gaartay bad-gariirkii Tsunami ee ku dhiftay xeebaha Soomaalida, iyadoo loo sii marinayo hay'adda gargaarka ee USAID.
Xafiiska USAID ee taakulaynta masiibooyinka dalalka dibedda, ayaa helay ilaa lacag dhan US$ 1 034 333 lana sii mariyay hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay iyo NGOs (ururrada aan dowlaiga ahayn) si ay gargaar kala duwan oo isugu jira dhar, alaabta guryaha, biyo cabid oo nadiif ah iyo dawoba loo gaarsiiyo dadka dhibaatadu gaartay.
Khubarada Qaramada Midoobay, ayaa ku qiyaasaya ilaa 18 kun oo guri oo ay ku noolaayeen ilaa 54 kun oo qof ay masiibada tsunami ay saamaysay, taasoo dhibaatada ugu ba'an u gaysatay dhul xeebeed dhan 650 kilometer oo xeebta ah oo u dhaxaysa Xaafuun ilaa tuulada Garacad ee Mudug.

Guryo iyo doonyo kalluumaysi ayaa burburay, iyadoo ceelal badan ay aasmeen isla markaana dad badan ay noloshoodu halis ku jirto.
Waxaa haatan xeebaha Soomaaliya ay hay'aduhu ka wadaan kormeer ay ku ogaanayaan meelaha gargaarka bini'aadanimo aadka looga baahan iyo sida ay dadka tsunami saamaysay u soo kabsan karaan.

Tanzania oo laga nadiifinayo sumaha

Jan: Guddiga Qaranka ee Maareynta Deegaanka –NEMC iyo FAO ayaa kala saxiixday heshiis qiimahiisu yahay US $ 10 million si loogu caawiyo xirxiridda, raridda iyo nadiifinta chemicals-ka beeraha iyo xoolaha ee dhacay.
Bangiga Adduunka ayaa oggolaaday in uu caawiyo mashruucaan.
Qashin ururinta ayaa ka kooban bacrin (fertilizer) iyo dulin-dilayaal (pesticides), ay ku jiraan xaddi mug ballaaran oo DDT ah iyo organo-phosphates aad sun u ah.
Keydinta ayaa qeyb weyn ka ah qashin tuulimaadka Tanzania, taas oo ay sii xumeneyso keenista ama soo dejinta xad-dhaafka ah iyo adeegga liita ee bakhaarrada.

SOMALIA: Tsunami oo barakicisay dhowr kun oo qof

NAIROBI, 14 Jan 2005 (IRIN) – In lagu qiyaasay afar kun oo ruux ayay waqooyi-bari Soomaaliya ku barakicisay tsunami 26kii December 2004 lagana rarayaa goobihii dhul-xeebeedka ay ku noolaayeen mowjadaha xooggan dartood sidaa waxa sheegay shaqaalaha gargaarka.
“Guryihii dadka ee Xaafuun oo ay hore mowjadaha uga difaaci jireen buuro ballaaran oo bacaad ah, ayaa waxa qaaday tsunami,” Bob McCarthy, oo ah sarkaal UNICEF u qabilsan Soomaaliya, ayaa Jimcihii u sheegay wakaaladda qaramada midoobey ee wararka IRIN. “ Bulshadu waa in ay si joogta ah ugu guurtaa dhulka taagsinka ah si looga hortago daadadka yimaada mar kasta oo heerka baddu sare u kaco,” ayuu ku daray. WFP oo ah hay’addii ugu horreysay ee deeq geysa Xaafuun, ayaa duullimaadkeedi ugu horreeyey muddo toban sano ah ka degay Xaafuun. Dayaaraddu waxa ay wadday biyo la cabo, cunno, shaqaale WFP iyo weriyayaal. Hay’addan ayaa ka soo rartay dekedda Mombasa ilaa 1,300 metric ton oo cunno dheeri ah si loogu caawiyo 30,000 qof oo waxyeello ka soo gaartey musiibadan.
FAO ayaa iyana warbixin gaar ah ku sheegtay in ilaa 26000 doonyo kalluumeysi ku baaba’een xeebaha Soomaalida. FAO, ayaa isku diyaarineysa in ay caawiso xirfadaha kalluumeysiga. Waxayna bixin doontaa dhqaale gargaar oo muddo kooban ah iyo tababarro isugu jira hagaajin farsamo kalluumeysi iyo sameyn doonyo ilaa 2,000 kalluumeysato.
FAO:Tsunami oo khatar ku ah dhul-beereedka
14 January 2005, Rome – Ma muuqato in kalluunka iyo cunno-badeedka dalalka Asia oo ay tsunami ku dhufatay in ay ku soo kordhayaan cudurro, sida ay sheegtay qiimeyn FAO sameysay. Walaaca laga qabay cunista mallayga ayaan aasaas lahayn sida FAO sheegayso.

Qiimeyntaan ayaa ku saleysan warbixinno ay soo ururiyeen howlwadeennada FAO iyo WHO ee ka shaqeynaya goobaha ay musiibadan ka dhacday.
Bad-gariirkan tsunami ayaa waxyeelleeyey carro-san dhul-beereed ah, ceelal iyo hababkii waraabka. “ Tani waa dhibaato daran una baahan feejignaan degdeg ah,” Jacques Diouf, agaasimaha Guud ee FAO ayaa u sheegay saxaafadda isagoo jooga Colombo caasimadda Sri Lanka. Wuxuuna sheegay in dhibaatadaas la xallin karo mar haddii ay qoyan tahay ciiddu. “Balse haddii ay engagto iyadoo cusbo leh ay adkaan doonto in wax laga qabto.”
Agagaaraha xeebaha waxyeelladu ka dhaceen, ayey geedaha mooska iyo cambaha durbadiiba dhinteen ka dib markii ay biyo cusbo leh waraabeen. Gaar ahaan Indonesia oo ah halka ay tsunami sida daran ugu dhufatey, ayey carrada ugu fiican tahay midda ku dhow xeebta.

Xaaladdii ugu dambeysay ee Ayaxa


15 November 2004 –Hawlo adag oo lagula dagaallamayo ayaxa ayaa ka socda W/Galbeed Afrika. Bilahanba waxa beeraha dalalka galbeedka Afrika iyo waqooyi-galbeed Afrika dhibaato weyn ku hayey ayaxa lama-degaanka. Xaaladda Ayaxa lama-degaanka ayaa ka sii dareysa Waqooyi-galbeed Afrika halkaas oo laga wado howlo cirka iyo dhulka ah oo lagu koontoroolayo guulna looga gaaray Morocco iyo Algeria taas oo in badan oo ayaxa aan qaangaarin u hayaamay xagga buurha Atlas. Howlo yar ayaa ka socda bartamaha iyo koofurta Tunisia. Hawl baaxad leh ayaa ka socota Koofur-galbeed iyo Koofurta Mauritania. Waqooyiga Mali iyo Niger ayaa kooxo ayaxa laga soo sheegayaa. Ilaa 5 Nov. wax ayax ah lagama soo sheegin Senegal. Dhowr kooxo ayax ah ayaa ku sugan waqooyiga Egypt (Masar) qaarkoodna laga yaabo in ay soo gaareen Cyprus maalmihii la soo dhaafay oo ay jirtay dabeysha diirran ee koofurta. Xaaladda way ka soo rayneysaa Galbeedka Afrika balse wey ka dareysaa Waqooyi-galbeed Afrika iyada oo ay halkaas soo gaareen bishan kooxo ayax ah..

Intee buu cuni karaa Ayaxa lamadegaanka

Qaangaarka Ayaxa Lama-degaanka wuxuu qiyaastii cuni karaa culeyskiisa in la’eg oo cunno ah maalintiiba taas oo u dhiganta labo garaam maalin kasta. Qeyb aad u yar celceliska raxan Ayax ah (ama qiyaastii hal ton oo ayax ah) wuxuu cunaa in la mid ah cunnada maalintiiba 10 maroodi ama 25 geel ama 2500 qof.

Muxuu ka kooban yahay ayaxa lama-degaanka ?

Culeyskiisa qallalan wuxuu ka kooban yahay 60% protein, 17% dufan, iyo inta soo hartay oo isugu jira curiyayaasha (elements) kala ah: (Si, Cu, Fe, Mn, Na, K, Ca, Mg, Ti, Ni, P, S).

Ayaxa – haddaadan la dagaallami karin, cun

Sat 6 Nov. 2004 - NICOSIA (Reuters)- Halganka la tacaalidda duullaanka ayaxa lama-degaannada ayaa laga yaabaa in beeraleyda Qubrus u leexdaan talada Qaramada Midoobey oo ah;
haddaadan la dagaallami Karin, cun. Ayaxa wuxuu hodan ku yahay nafaqada protein-ka waana la shiilan, karkarin lana duban karaa, taas oo ah qayb ka mid ah warbixin uu soo saaray Ururka Qaramada Midoobey u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha (FAO) ee fadhigiisu yahay Rome kana mid ah dadaal lagula tacaalayo kooxaha ayaxa ah ee ku habsaday dalka Qubrus. Ayaxu wuxuu gaaray bariga dalalka Mediterranean-ka horraantii bisha November ka dib markii laga diiwaan-geliyey Afrika waxyeelladii ugu ba;nayd muddo ka badan toban sano.

Dhadhanka kharaar oo noqda macaan

Cilmi-baarayaasha machadka Serere ee cilmi-baarista wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha ee Uganda ayaa soo saaray nooc cusub oo meseggo ah uuna hooseeyo heerka walxaha tannini.
Tannini waxay siisaa dhadhan kharaar meseggada caadiga ah balse noocaan wuxuu u dhadhamayaa si macaan.
Wuxuu ku fiican yahay in loo adeegsado burka oo haddii lagu qaso burka qamadiga waxa uu ku wanaagsanaanayaa sameynta rootiga. Dhadhankiisa macaan ayaa weliba ka dhigeysa badar beddel fiican u ah quudka xoolaha. Noocan waa mid adkeysi u leh qalleylka kuna bislaada in ka yar afar bilood. Haddii si fiican loo maareeyo, amadku wuxuu gaari karaa 30 kiintaal hektarkiiba.

Duufaanno ku fidiyey Kankaraha Liimada in ka badan 11 000 geed

PUNTA GORDA, Florida (AP)- Sanadkan duufaanno ayaa ku fidiyey cudurka Kankarka Liimada ku dhawaad 11 000 geed gobolka Charlotte County. Saraakiil ayaa sheegtay in tani ka mid tahay fiditaankii ugu ballaarnaa ee cudur dhaawaca miraha ee abid saameeya warshadleyda liinta Florida. Dabayluhu waxay cudurkaas ku dhufteen ugu yaraan shan gobol oo kale – Osceola, Highlands, Lee, Collier iyo Orange. Kankaraha liinta waa bakteriya taabasho ku fidda, gaar ahaan ay fidiyaan dabeysha ama xayawaanka kuna keena geedaha in ay daadiyaan caleemaha iyo miraha si deg-deg ah. Waxbana kama dhibto dadka.

Hay'adaha gargaarka oo deeq dalbaday

Hay'adaha samafalka, ayaa si wadajir ah u dalbaday in ka badan 479 milyan oo doolar lacag gaaraysa si ay ugu maalgaliyaan howlaha gargaarka ee wadamada Uganda, Somalia iyo Eritrea sanadka 2005-ta, waxaa sidaasi wakaaladda wararka ee IRIN u sheegay xafiiska qaramada midoobay ee qaabilsan arrimaha samafalka (OCHA).

Waxay hay'adaha gargaarka ee baaqa soo jeediyay xuseen in deeq ka timaadda bulshada caalamka ee deeqaha bixiya ay baaqan, ayaa hay'aduhu ku sheegeen in lacagta loo isticmaalayo si wax looga qabto baahida dadwaynaha ku bararkacay gudaha dalalkooda iyo dadka qaxootiga ah iyo in sahay gargaar lagu gaarsiiyo dalka Uganda, in dib loogu soo kobciyo xaaladda nololeed ee bulshooyinka Soomaalida iyo wax looga qabto dhibaatooyinka ay abaaruhu u gaysteen dalka Eritrea.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Koffi Annan, oo hadal ka jeediyay magaalada New York, ayaa sheegay in tirada ugu badan ee dadka baahida qaba in ay ku nool yihiin qaaradda Africa, wadamada sida tooska ah ay xaaladda degdega ah uga jirto, ayuu ku tilmaamay inay yihiin Burundi, Jamhuuriyadda demoqraadiga ah ee Congo iyo Uganda iyo kuwa ay ku sugan yihiin qaxootiyada sida Chad iyo Guninea.
Hay'adaha baaqa soo jeediyay, ayaa sheegay in Soomaaliya 93 mashruucyo bini'aadaminimo oo ka jira ay u baahan yihiin 164.5 million oo doolar.(34.34%)

Qaramada Midoobay, waxay ku qiyaastay in dadwaynaha Soomaaliya oo gaaraya 7 million in ka badan 350 000 ay qaxooti yihiin 370 000 ilaa 400 000 ay guryo beeleen.

Hay'adaha gargaarku waxay baaqooda ku sheegeen in Soomaaliya ay haatan taagan tahay isgoys, maadaama wadahadaladii nabadda ee dhowaan ka dhacay Nairobi ay ka soo baxday dowlad ku meelgaar ah oo ballan qaaday in ay soo afjarto sanado xasiloonidarro siyaasadeed ay ka taagnayd dalka Soomaaliya.

Waxay hay'aduhu sheegeen in xaaladda Soomaaliya ay sii xumaysay abaar ba'an oo muddo afar sano ah ka jirtay dalka, taasoo ay wehlisay saboolnimo iyo horumar la'aan, iyadoo ay sii dafiictay awoodii dadku ugu adkaysan lahaayeen abaaraha.

Gobollo uu ka mid yahay gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya, xoolaha dhaqatada ayay sheegeen in ay ka baaba'een 80 boqolkiiba xoolahoodii, taasoo keentay dhibaato dhinaca nolosha ah iyo dhaqaalo xumo ba'an oo ka taagan gobollada abaartu aafaysay gacan ku siin doonto hay'adaha Qaramada Midoobay iyo NGO-yada in ay xaqiijiyaan in ay jawaab midaysan iyo dadaal xooggan u galaan sidii wax looga qaban lahaa baahida dib loogu soo celinayo awoodda nololeed ee bulshooyinka Soomaalida.

SAGRA oo kormeertey beeraha Afgooye iyo Shaam

Isniin 6/9/2004, G/Xigeenka iyo Xoghayaha guud ururka SAGRA Cabdurrahman Filosofo iyo Max’ed Muxyadiin ayaa ku tegay kormeer shaqo qaar ka tirsan beeraha gobolka Sh/hoose oo ay ka mid ahaayeen kuwo hoos yimaad hay’adda Welfare Project Society (Mashaaricda Samafalka Bulshada).

Xubnahaas ka socday SAGRA waxa halkaas warbixin ku saabsan musaqbalkooda dhinaca beeraha iyo xaaladda beeraha ku yaal Afgooye iyo tuulada Shaam ku siiyey C/llahi Ibrahim Farah(Barre) iyo Abukar kana mid ah hawlwadeennada hay’addaas Mashaariicda Samafalka Soomaaliyeed, sheegayna sida hay’addoodu u daneynayso horumarinta beeraha dalkan iyo in ay wixii talo-bixin beereed ah u soo raadsan doonaan aqoonyahannada SAGRA, iyagoo intaas raaciyey in ay jeclaan lahaayeen ka mid noqoshada xubin-sharafeedyada ururkan.

Xubnha ka socday SAGRA aad ayey u soo dhaweeyeen fikirkaas waxyna ballan qaadeen in wixii la talin dhinaca beeraha ah ay wax kala qaban doonaan.

Shirkii Khamiislaha ee SAGRA

Khamiis 2/9/2004 waxa ka dhacay xarunta ururka SAGRA ee Muqdisho shir ballaaran oo ay xubnaha ururku uga baaraan degayeen sidii talo looga geysanayo loona diyaarin lahaa qaab-dhismeedka wasaaradda beeraha iyo hay’adaha hoos yimaada ee dowladda laga filayo in lagu soo dhiso Mpaghathi ee dalka Kenya.
Waxana loo saaray guddi soo diyaariya warbixin la xiriirta arrimahaas oo uu ka madax yahay Prof. Salaad Jimcale.

Kulan ay isugu yimaadeen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka kala socday ururrada xirfadlayaasha (professional associations) ayaa lagu qabtey Khamiistii 16 September 2004 xarunta CORD ee Km5,Muqdisho.
Kulankaas oo looga hadlaayey sidii loo mideyn lahaa ururrada xirfadlayaasha iyo in qorshe loo dejiyo hawlaha qaranka ee isugu jira dib-u-dhiska iyo horumarinta ee musaqbalka iyadoo sida ay u kala mudan yihiin loo tixgelinayo.

Kulankaas dhinaca SAGRA waxa uga qeybgalay G/xigeenka C/raxman Filosofo iyo C/qaadir N. Hadafow.

T A C S I

Dhammaan xubnaha ururka SAGRA waxay tacsi u dirayaan Axmed Cabdi Ashkir(Qorane) oo ka mida xubnaha ururkan oo dhawaan aabbihii ku geeriyooday Muqdisho; waxayna u rajeynayaan eheladii iyo qoyskii uu ka tegay marxuumku in samir iyo iimaan Eebbe ka siiyo, isna uu jannada Fardowsa ka waraabiyo.Aamiin,Aamiin,.

Wararkii Bishii Julaay

Warar Qubane ah

Jinsiga iyo dhireynta

Waxa lagu wadaa in Aqoon-is-weydaarsi (symposium) caalami ah oo ku saabsan Dhireynta iyo Jinsiga lagu lagu qabto jaamacadda Dar es salaam ee Arusha , dalka Tanzania.

Aqoon-is-weydaarsigaas oo la qaban doono 1-10 August 2004, waxana qabanqaabadiisa leh kooxda ku hawlan Jinsiga iyo dhireynta ee Midowga Caalamiga Ururrada Cilmi-baarista Dhirta iyo ENVIROCARE .

Ujeeddada aqoon-is-weydaarsiguna waa in laga doodo sidii loo hagaajin lahaa isticmaalka bulshada ee dhirta iyadoo la dhiirrigelinayo sidii loo joogtayn lahaa dhiraynta.

Intee baa laysu jirsiin?

Baaritaan ka socday 23 sano ayaa lagu ogaaday 7.5 mitir labajibbaaran inay tahay inta ugu habboon ee loo dhaxaysiinayo labada geed ee qumbaha. Baaritaankaas waxaa sameeyay Machadka Dhexe ee Cilmi-baarista Geedmiroodyada ee dalka Hindiya. Cel-celiska amadkuna wuxuu noqday 129 mirood geedkiiba.

Wararkii Bishii Juun

DAD KU SUMOOBAY GALLEY

Dalka Kenya ayaa la soo sheegay in dad ka badan 80 qof ay ku geeriyoodeen ka dib markii ay cuneen galley sumeysan ; sababta ka dambeeysa dhimashadan isa soo tareysa ayaa la sheegayaa in ay tahay galley ku raagtay bakhaarro ku yaal dalkaas. Goobaha wxayeelladu ugu badan tahay ayaa ah bariga iyo qaybo ka tirsan bartamaha dalka Kenya. Waxa la sheegay in 80% cuntada laga quuto dalkaas ay tahay dalaggan galleyda ah.

SAGRA OO GUDBINEYSA AQOON

Waxaa 07/06/04 cashar ku saabsan dhaqaalaha iyo maareynta beeraha ka bixiyey dugsiga xirfadda beeraha ee Tuulada Daaru salaam Dr. Filosofo oo ka socday Ururka Beer-yaqaannada Soomaaliyeed (SAGRA) wuxuuna

caddeeyaey in SAGRA sii wadi doonto dadaalkeeda horumarinta aqoonta beeraha si dalku u helo xirfadlayaal hanan kare howlaha kala geddisan ee beeraha.

Wararkii Bishii Maajo

W/Dawlaha Beeraha oo la kulmay SAGRA
Wasiiru dawlaha TNG, mudane Maxamud Cali Yusuf ayaa kula shiray ururka Beer-yaqaannada Soomaaliyeed ee SAGRA xafiiskooda Muqdisho.
W/Dawluhu wuxuu aad u soo dhaweeyay dhismaha ururkan cusub.
Waxa uuna halkaas ka soo jeediyay warbixin ku saabsan safarkii uu dhawaan ku tegay Urdun, ahaana shirkii wasiirrada beeraha ee Carabta.Wuxuuna sheegay in shirkaas aad loogu soo dhaweeyay wafdigii Soomaalida; ballan-qaadyo ganacsina ay jiraan, Ururka SAGRA-na waxa uu ugu baaqay in ay ganacsatada Soomaaliyeed la wargeliyo.

MUDANE Dr. XASAN DHIMBIL OO QAABILAY SAGRA
Xubno ka socday Ururka Beer-yaqaannada Soomaaliyeed ee SAGRA
ayaa 26-kii April kula kulmay beertiisa Avv. Xasan Dhinbil .
Xubnaha SAGRA, waxa hoggaaminayey guddoomiyahooda Dr.Axmed Hiraabe .
Mudane Dhimbil, oo si diirran u soo dhaweeeya xubnaha SAGRA wuxuuna ku bogaadiyey shaqada ay hayaan kana codsaday adeegga ay wadaan wuxuu kaloo xusay dhibaatooyinka haysta beeraleyda sida cuddurra geedaha liinta iyo wax soosaar yarida galleyda , taasoo uu yiri wixii macluumaad ah waan idinka sugeynaa wuxuuna ballan qaaday inay iskaashi yeelan doonaan.

Webdesigner : Dr Hussein Abdi Alasow
alasow@somaliweyn.com