|
Warar qubane
ah
Wareysi Radio Somaliweyn la yeeshay Prof. M.Cali Abukar:
Waxan u hambalyeynayaa SAGRA…
 |
Prof. Max’ed Cali Abukar oo
hore u ahaan jiray Maareeyiha Mashruucii Fidinta Beeraha ee
Soomaaliya ayuu wareysi uu la yeeshay Website-ka Somaliweyn
barnaamijka Aqoonta iyo Aqoonyahanka ugu hambalyeeyey aqoonyahannada
beeraha SAGRA; dadaalkooda ay isugu yimaadeen kuna sameeyeen
urur noocan ah. |
Professor-ka hadda wuxuu ku nool yahay dalka Mareykanka,
wuxuuna ka dhigaa aqoonta la xiriirta maareynta fidinta beeraha
jaamacadda heerka labaad ee Utah State University.
Qeybtan soo socota waxay ka mid ahayd wareysi uu
siiyey wariye ka tirsan Somaliweyn:
Su’aal: Ururka ka jira waddanka
ee SAGRA (Somali Agronomists Association) waxqabad intee la’eg
oo faa’iido ah ayuu ummadda Soomaaliyeed u keeni karaa baad
is leedahay ?
Jawaab: “Ururkan SAGRA ama Somali Agronomists
Association oo xaqiiqdii maalintii ugu horreysay aan arkay (maqlay)
aad baan ugu farxay, isagoo aad ugu mahadsan Calasow (Dott. Xuseen
Cabdi Calsow) baa ila socodsiiyey. Run ahaantii dabadeedna barnaamijka
oo dhan baan si fiican ugu kuurgalay, aad baan ugu hambalyeynayaa
aqoonyahannada Soomaaliyeed ee fikraddan hirgeliyey iyo hoggaamiyahooda
Axmed Hiraabe” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray “ Axmed Hiraabe aqoon
wanaagsan baan u leeyahay kartidiisa iyo waxqabadkiisa. Waxaan aaminsanahay
midda tan (ururkan), mid loo baahan yahay in ay ahayd; in Ilaahay
haleeshiiyey. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu ku guuleysiiyo. Hase
yeeshee, aqoonyahannadii beeraha ee Soomaaliyeed meel kasta ooy
joogaan waxa loo baahan yahay in ay member (xubin) ka noqdaan SAGRA;
isla markaana ay kalsooni iyo wax-qabad iyo fikrad intaba ay ku
kaaliyaan raggan dhallinyarada ah ee ka howlgalaya dalka gudihiisa.
Runtii inay garab hiil iyo hooba ugu magaciisiyeeyaan (deeqaan),
taas baan soo jeedin lahaa, aad baan ugu hambalyeynayaa .”.
Nigeria,
FAO oo ka billaabeysa barnaamijka Amniga Cunnada
ABUJA, Feb. 6 (Xinhuanet) - Dowladda
Nigeria iyo Ururka Cunnada iyo Beeraha ( FAO) ayaa ka hirgelinaya
barnaamijka amniga cunnada ilaa 109 goobo beereed oo dalka oo dhan
ah, sidaas waxa weriyey wakaaladda wararka rasmiga ee Nigeria.
Kharashka ku baxaya, kaas oo hoos imanaya barnaamij
qarameed gaar ah looguna talagalay amniga cunnada, waxana bixiyay
dowladda Nigeria, halka FAO maareyneyso hirgelinta iyadoo bixineysa
kaalmo farsamo.
USA
oo gargaaraysa dhibanayaasha Tsunami
Feb. Safiirka Maraykanka ee Kenya
William M Bellamy, ayaa ku dhawaaqay in dowladda Maraykanka ay hal
million oo doollar deeq gaaraysa ugu yaboohday dadka waxyeelladu
ka soo gaartay bad-gariirkii Tsunami ee ku dhiftay xeebaha Soomaalida,
iyadoo loo sii marinayo hay'adda gargaarka ee USAID.
Xafiiska USAID ee taakulaynta masiibooyinka dalalka dibedda, ayaa
helay ilaa lacag dhan US$ 1 034 333 lana sii mariyay hay'adaha gargaarka
ee Qaramada Midoobay iyo NGOs (ururrada aan dowlaiga ahayn) si ay
gargaar kala duwan oo isugu jira dhar, alaabta guryaha, biyo cabid
oo nadiif ah iyo dawoba loo gaarsiiyo dadka dhibaatadu gaartay.
Khubarada Qaramada Midoobay, ayaa ku qiyaasaya ilaa 18 kun oo guri
oo ay ku noolaayeen ilaa 54 kun oo qof ay masiibada tsunami ay saamaysay,
taasoo dhibaatada ugu ba'an u gaysatay dhul xeebeed dhan 650 kilometer
oo xeebta ah oo u dhaxaysa Xaafuun ilaa tuulada Garacad ee Mudug.
Guryo iyo doonyo kalluumaysi ayaa burburay, iyadoo
ceelal badan ay aasmeen isla markaana dad badan ay noloshoodu halis
ku jirto.
Waxaa haatan xeebaha Soomaaliya ay hay'aduhu ka wadaan kormeer ay
ku ogaanayaan meelaha gargaarka bini'aadanimo aadka looga baahan
iyo sida ay dadka tsunami saamaysay u soo kabsan karaan.
Tanzania
oo laga nadiifinayo sumaha
Jan: Guddiga
Qaranka ee Maareynta Deegaanka –NEMC iyo FAO ayaa kala saxiixday
heshiis qiimahiisu yahay US $ 10 million si loogu caawiyo xirxiridda,
raridda iyo nadiifinta chemicals-ka beeraha iyo xoolaha ee dhacay.
Bangiga Adduunka ayaa oggolaaday in uu caawiyo mashruucaan.
Qashin ururinta ayaa ka kooban bacrin (fertilizer) iyo dulin-dilayaal
(pesticides), ay ku jiraan xaddi mug ballaaran oo DDT ah iyo organo-phosphates
aad sun u ah.
Keydinta ayaa qeyb weyn ka ah qashin tuulimaadka Tanzania, taas
oo ay sii xumeneyso keenista ama soo dejinta xad-dhaafka ah iyo
adeegga liita ee bakhaarrada.
SOMALIA:
Tsunami oo barakicisay dhowr kun oo qof

NAIROBI, 14 Jan 2005 (IRIN)
– In lagu qiyaasay afar kun oo ruux ayay waqooyi-bari Soomaaliya
ku barakicisay tsunami 26kii December 2004 lagana rarayaa goobihii
dhul-xeebeedka ay ku noolaayeen mowjadaha xooggan dartood sidaa
waxa sheegay shaqaalaha gargaarka.
“Guryihii dadka ee Xaafuun oo ay hore mowjadaha uga difaaci
jireen buuro ballaaran oo bacaad ah, ayaa waxa qaaday tsunami,”
Bob McCarthy, oo ah sarkaal UNICEF u qabilsan Soomaaliya, ayaa Jimcihii
u sheegay wakaaladda qaramada midoobey ee wararka IRIN. “
Bulshadu waa in ay si joogta ah ugu guurtaa dhulka taagsinka ah
si looga hortago daadadka yimaada mar kasta oo heerka baddu sare
u kaco,” ayuu ku daray. WFP oo ah hay’addii ugu horreysay
ee deeq geysa Xaafuun, ayaa duullimaadkeedi ugu horreeyey muddo
toban sano ah ka degay Xaafuun. Dayaaraddu waxa ay wadday biyo la
cabo, cunno, shaqaale WFP iyo weriyayaal. Hay’addan ayaa ka
soo rartay dekedda Mombasa ilaa 1,300 metric ton oo cunno dheeri
ah si loogu caawiyo 30,000 qof oo waxyeello ka soo gaartey musiibadan.
FAO ayaa iyana warbixin gaar ah ku sheegtay in ilaa 26000 doonyo
kalluumeysi ku baaba’een xeebaha Soomaalida. FAO, ayaa isku
diyaarineysa in ay caawiso xirfadaha kalluumeysiga. Waxayna bixin
doontaa dhqaale gargaar oo muddo kooban ah iyo tababarro isugu jira
hagaajin farsamo kalluumeysi iyo sameyn doonyo ilaa 2,000 kalluumeysato.
FAO:Tsunami oo khatar ku ah dhul-beereedka
14 January 2005, Rome – Ma muuqato in kalluunka iyo cunno-badeedka
dalalka Asia oo ay tsunami ku dhufatay in ay ku soo kordhayaan cudurro,
sida ay sheegtay qiimeyn FAO sameysay. Walaaca laga qabay cunista
mallayga ayaan aasaas lahayn sida FAO sheegayso.
Qiimeyntaan ayaa ku saleysan warbixinno ay soo ururiyeen
howlwadeennada FAO iyo WHO ee ka shaqeynaya goobaha ay musiibadan
ka dhacday.
Bad-gariirkan tsunami ayaa waxyeelleeyey carro-san dhul-beereed
ah, ceelal iyo hababkii waraabka. “ Tani waa dhibaato daran
una baahan feejignaan degdeg ah,” Jacques Diouf, agaasimaha
Guud ee FAO ayaa u sheegay saxaafadda isagoo jooga Colombo caasimadda
Sri Lanka. Wuxuuna sheegay in dhibaatadaas la xallin karo mar haddii
ay qoyan tahay ciiddu. “Balse haddii ay engagto iyadoo cusbo
leh ay adkaan doonto in wax laga qabto.”
Agagaaraha xeebaha waxyeelladu ka dhaceen, ayey geedaha mooska iyo
cambaha durbadiiba dhinteen ka dib markii ay biyo cusbo leh waraabeen.
Gaar ahaan Indonesia oo ah halka ay tsunami sida daran ugu dhufatey,
ayey carrada ugu fiican tahay midda ku dhow xeebta.
Xaaladdii
ugu dambeysay ee Ayaxa
15 November 2004 –Hawlo adag oo
lagula dagaallamayo ayaxa ayaa ka socda W/Galbeed Afrika. Bilahanba
waxa beeraha dalalka galbeedka Afrika iyo waqooyi-galbeed Afrika
dhibaato weyn ku hayey ayaxa lama-degaanka. Xaaladda Ayaxa lama-degaanka
ayaa ka sii dareysa Waqooyi-galbeed Afrika halkaas oo laga wado
howlo cirka iyo dhulka ah oo lagu koontoroolayo guulna looga gaaray
Morocco iyo Algeria taas oo in badan oo ayaxa aan qaangaarin u hayaamay
xagga buurha Atlas. Howlo yar ayaa ka socda bartamaha iyo koofurta
Tunisia. Hawl baaxad leh ayaa ka socota Koofur-galbeed iyo Koofurta
Mauritania. Waqooyiga Mali iyo Niger ayaa kooxo ayaxa laga soo sheegayaa.
Ilaa 5 Nov. wax ayax ah lagama soo sheegin Senegal. Dhowr kooxo
ayax ah ayaa ku sugan waqooyiga Egypt (Masar) qaarkoodna laga yaabo
in ay soo gaareen Cyprus maalmihii la soo dhaafay oo ay jirtay dabeysha
diirran ee koofurta. Xaaladda way ka soo rayneysaa Galbeedka Afrika
balse wey ka dareysaa Waqooyi-galbeed Afrika iyada oo ay halkaas
soo gaareen bishan kooxo ayax ah..
Intee buu cuni karaa Ayaxa lamadegaanka
Qaangaarka Ayaxa Lama-degaanka wuxuu qiyaastii cuni
karaa culeyskiisa in la’eg oo cunno ah maalintiiba taas oo
u dhiganta labo garaam maalin kasta. Qeyb aad u yar celceliska raxan
Ayax ah (ama qiyaastii hal ton oo ayax ah) wuxuu cunaa in la mid
ah cunnada maalintiiba 10 maroodi ama 25 geel ama 2500 qof.
Muxuu ka kooban yahay ayaxa lama-degaanka
?
Culeyskiisa qallalan wuxuu ka kooban yahay 60% protein,
17% dufan, iyo inta soo hartay oo isugu jira curiyayaasha (elements)
kala ah: (Si, Cu, Fe, Mn, Na, K, Ca, Mg, Ti, Ni, P, S).
Ayaxa – haddaadan la dagaallami karin,
cun
Sat 6 Nov. 2004 - NICOSIA (Reuters)-
Halganka la tacaalidda duullaanka ayaxa lama-degaannada ayaa laga
yaabaa in beeraleyda Qubrus u leexdaan talada Qaramada Midoobey
oo ah;
haddaadan la dagaallami Karin, cun. Ayaxa wuxuu hodan ku yahay nafaqada
protein-ka waana la shiilan, karkarin lana duban karaa, taas oo
ah qayb ka mid ah warbixin uu soo saaray Ururka Qaramada Midoobey
u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha (FAO) ee fadhigiisu yahay Rome kana
mid ah dadaal lagula tacaalayo kooxaha ayaxa ah ee ku habsaday dalka
Qubrus. Ayaxu wuxuu gaaray bariga dalalka Mediterranean-ka horraantii
bisha November ka dib markii laga diiwaan-geliyey Afrika waxyeelladii
ugu ba;nayd muddo ka badan toban sano.
Dhadhanka kharaar oo noqda macaan
Cilmi-baarayaasha machadka Serere ee cilmi-baarista
wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha ee Uganda ayaa soo saaray nooc
cusub oo meseggo ah uuna hooseeyo heerka walxaha tannini.
Tannini waxay siisaa dhadhan kharaar meseggada caadiga ah balse
noocaan wuxuu u dhadhamayaa si macaan.
Wuxuu ku fiican yahay in loo adeegsado burka oo haddii lagu qaso
burka qamadiga waxa uu ku wanaagsanaanayaa sameynta rootiga. Dhadhankiisa
macaan ayaa weliba ka dhigeysa badar beddel fiican u ah quudka xoolaha.
Noocan waa mid adkeysi u leh qalleylka kuna bislaada in ka yar afar
bilood. Haddii si fiican loo maareeyo, amadku wuxuu gaari karaa
30 kiintaal hektarkiiba.
Duufaanno ku fidiyey Kankaraha Liimada in
ka badan 11 000 geed
PUNTA GORDA, Florida (AP)- Sanadkan duufaanno ayaa
ku fidiyey cudurka Kankarka Liimada ku dhawaad 11 000 geed gobolka
Charlotte County. Saraakiil ayaa sheegtay in tani ka mid tahay fiditaankii
ugu ballaarnaa ee cudur dhaawaca miraha ee abid saameeya warshadleyda
liinta Florida. Dabayluhu waxay cudurkaas ku dhufteen ugu yaraan
shan gobol oo kale – Osceola, Highlands, Lee, Collier iyo
Orange. Kankaraha liinta waa bakteriya taabasho ku fidda, gaar ahaan
ay fidiyaan dabeysha ama xayawaanka kuna keena geedaha in ay daadiyaan
caleemaha iyo miraha si deg-deg ah. Waxbana kama dhibto dadka.
Hay'adaha gargaarka oo deeq dalbaday
Hay'adaha samafalka, ayaa si wadajir ah u dalbaday
in ka badan 479 milyan oo doolar lacag gaaraysa si ay ugu maalgaliyaan
howlaha gargaarka ee wadamada Uganda, Somalia iyo Eritrea sanadka
2005-ta, waxaa sidaasi wakaaladda wararka ee IRIN u sheegay xafiiska
qaramada midoobay ee qaabilsan arrimaha samafalka (OCHA).
Waxay hay'adaha gargaarka ee baaqa soo jeediyay xuseen
in deeq ka timaadda bulshada caalamka ee deeqaha bixiya ay baaqan,
ayaa hay'aduhu ku sheegeen in lacagta loo isticmaalayo si wax looga
qabto baahida dadwaynaha ku bararkacay gudaha dalalkooda iyo dadka
qaxootiga ah iyo in sahay gargaar lagu gaarsiiyo dalka Uganda, in
dib loogu soo kobciyo xaaladda nololeed ee bulshooyinka Soomaalida
iyo wax looga qabto dhibaatooyinka ay abaaruhu u gaysteen dalka
Eritrea.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Koffi Annan,
oo hadal ka jeediyay magaalada New York, ayaa sheegay in tirada
ugu badan ee dadka baahida qaba in ay ku nool yihiin qaaradda Africa,
wadamada sida tooska ah ay xaaladda degdega ah uga jirto, ayuu ku
tilmaamay inay yihiin Burundi, Jamhuuriyadda demoqraadiga ah ee
Congo iyo Uganda iyo kuwa ay ku sugan yihiin qaxootiyada sida Chad
iyo Guninea.
Hay'adaha baaqa soo jeediyay, ayaa sheegay in Soomaaliya 93 mashruucyo
bini'aadaminimo oo ka jira ay u baahan yihiin 164.5 million oo doolar.(34.34%)
Qaramada Midoobay, waxay ku qiyaastay in dadwaynaha
Soomaaliya oo gaaraya 7 million in ka badan 350 000 ay qaxooti yihiin
370 000 ilaa 400 000 ay guryo beeleen.
Hay'adaha gargaarku waxay baaqooda ku sheegeen in
Soomaaliya ay haatan taagan tahay isgoys, maadaama wadahadaladii
nabadda ee dhowaan ka dhacay Nairobi ay ka soo baxday dowlad ku
meelgaar ah oo ballan qaaday in ay soo afjarto sanado xasiloonidarro
siyaasadeed ay ka taagnayd dalka Soomaaliya.
Waxay hay'aduhu sheegeen in xaaladda Soomaaliya ay
sii xumaysay abaar ba'an oo muddo afar sano ah ka jirtay dalka,
taasoo ay wehlisay saboolnimo iyo horumar la'aan, iyadoo ay sii
dafiictay awoodii dadku ugu adkaysan lahaayeen abaaraha.
Gobollo uu ka mid yahay gobolka Sool ee waqooyiga
Soomaaliya, xoolaha dhaqatada ayay sheegeen in ay ka baaba'een 80
boqolkiiba xoolahoodii, taasoo keentay dhibaato dhinaca nolosha
ah iyo dhaqaalo xumo ba'an oo ka taagan gobollada abaartu aafaysay
gacan ku siin doonto hay'adaha Qaramada Midoobay iyo NGO-yada in
ay xaqiijiyaan in ay jawaab midaysan iyo dadaal xooggan u galaan
sidii wax looga qaban lahaa baahida dib loogu soo celinayo awoodda
nololeed ee bulshooyinka Soomaalida.
SAGRA oo kormeertey
beeraha Afgooye iyo Shaam
Isniin 6/9/2004, G/Xigeenka iyo
Xoghayaha guud ururka SAGRA Cabdurrahman Filosofo iyo Max’ed
Muxyadiin ayaa ku tegay kormeer shaqo qaar ka tirsan beeraha gobolka
Sh/hoose oo ay ka mid ahaayeen kuwo hoos yimaad hay’adda Welfare
Project Society (Mashaaricda Samafalka Bulshada).
Xubnahaas ka socday SAGRA waxa halkaas warbixin ku
saabsan musaqbalkooda dhinaca beeraha iyo xaaladda beeraha ku yaal
Afgooye iyo tuulada Shaam ku siiyey C/llahi Ibrahim Farah(Barre)
iyo Abukar kana mid ah hawlwadeennada hay’addaas Mashaariicda
Samafalka Soomaaliyeed, sheegayna sida hay’addoodu u daneynayso
horumarinta beeraha dalkan iyo in ay wixii talo-bixin beereed ah
u soo raadsan doonaan aqoonyahannada SAGRA, iyagoo intaas raaciyey
in ay jeclaan lahaayeen ka mid noqoshada xubin-sharafeedyada ururkan.
Xubnha ka socday SAGRA aad ayey u soo
dhaweeyeen fikirkaas waxyna ballan qaadeen in wixii la talin dhinaca
beeraha ah ay wax kala qaban doonaan.
Shirkii Khamiislaha ee SAGRA
Khamiis 2/9/2004 waxa ka dhacay xarunta ururka SAGRA
ee Muqdisho shir ballaaran oo ay xubnaha ururku uga baaraan degayeen
sidii talo looga geysanayo loona diyaarin lahaa qaab-dhismeedka
wasaaradda beeraha iyo hay’adaha hoos yimaada ee dowladda
laga filayo in lagu soo dhiso Mpaghathi ee dalka Kenya.
Waxana loo saaray guddi soo diyaariya warbixin la xiriirta arrimahaas
oo uu ka madax yahay Prof. Salaad Jimcale.
Kulan ay isugu yimaadeen aqoonyahanno Soomaaliyeed
oo ka kala socday ururrada xirfadlayaasha (professional associations)
ayaa lagu qabtey Khamiistii 16 September 2004 xarunta CORD ee Km5,Muqdisho.
Kulankaas oo looga hadlaayey sidii loo mideyn lahaa ururrada xirfadlayaasha
iyo in qorshe loo dejiyo hawlaha qaranka ee isugu jira dib-u-dhiska
iyo horumarinta ee musaqbalka iyadoo sida ay u kala mudan yihiin
loo tixgelinayo.
Kulankaas dhinaca SAGRA waxa uga qeybgalay G/xigeenka
C/raxman Filosofo iyo C/qaadir N. Hadafow.
T A C S I
Dhammaan xubnaha ururka SAGRA waxay tacsi u dirayaan
Axmed Cabdi Ashkir(Qorane) oo ka mida xubnaha ururkan oo dhawaan
aabbihii ku geeriyooday Muqdisho; waxayna u rajeynayaan eheladii
iyo qoyskii uu ka tegay marxuumku in samir iyo iimaan Eebbe ka siiyo,
isna uu jannada Fardowsa ka waraabiyo.Aamiin,Aamiin,.
Wararkii Bishii Julaay
Warar
Qubane ah
Jinsiga iyo dhireynta
Waxa lagu wadaa in Aqoon-is-weydaarsi (symposium)
caalami ah oo ku saabsan Dhireynta iyo Jinsiga lagu lagu qabto jaamacadda
Dar es salaam ee Arusha , dalka Tanzania.
Aqoon-is-weydaarsigaas oo la qaban doono 1-10
August 2004, waxana qabanqaabadiisa leh kooxda ku hawlan Jinsiga
iyo dhireynta ee Midowga Caalamiga Ururrada Cilmi-baarista Dhirta
iyo ENVIROCARE .
Ujeeddada aqoon-is-weydaarsiguna waa in laga
doodo sidii loo hagaajin lahaa isticmaalka bulshada ee dhirta iyadoo
la dhiirrigelinayo sidii loo joogtayn lahaa dhiraynta.
Intee baa laysu jirsiin?
Baaritaan ka socday 23 sano ayaa lagu ogaaday 7.5 mitir labajibbaaran
inay tahay inta ugu habboon ee loo dhaxaysiinayo labada geed ee
qumbaha. Baaritaankaas waxaa sameeyay Machadka Dhexe ee Cilmi-baarista
Geedmiroodyada ee dalka Hindiya. Cel-celiska amadkuna wuxuu noqday
129 mirood geedkiiba.
Wararkii Bishii Juun
DAD KU SUMOOBAY GALLEY
Dalka Kenya ayaa la soo sheegay in dad ka badan 80
qof ay ku geeriyoodeen ka dib markii ay cuneen galley sumeysan ;
sababta ka dambeeysa dhimashadan isa soo tareysa ayaa la sheegayaa
in ay tahay galley ku raagtay bakhaarro ku yaal dalkaas. Goobaha
wxayeelladu ugu badan tahay ayaa ah bariga iyo qaybo ka tirsan bartamaha
dalka Kenya. Waxa la sheegay in 80% cuntada laga quuto dalkaas ay
tahay dalaggan galleyda ah.
SAGRA OO GUDBINEYSA AQOON
Waxaa 07/06/04 cashar ku saabsan dhaqaalaha iyo maareynta
beeraha ka bixiyey dugsiga xirfadda beeraha ee Tuulada Daaru salaam
Dr. Filosofo oo ka socday Ururka Beer-yaqaannada Soomaaliyeed (SAGRA)
wuxuuna
caddeeyaey in SAGRA sii wadi doonto dadaalkeeda horumarinta
aqoonta beeraha si dalku u helo xirfadlayaal hanan kare howlaha
kala geddisan ee beeraha.
Wararkii Bishii Maajo
W/Dawlaha Beeraha oo la kulmay
SAGRA
Wasiiru dawlaha TNG, mudane Maxamud Cali Yusuf ayaa kula shiray
ururka Beer-yaqaannada Soomaaliyeed ee SAGRA xafiiskooda Muqdisho.
W/Dawluhu wuxuu aad u soo dhaweeyay dhismaha ururkan cusub.
Waxa uuna halkaas ka soo jeediyay warbixin ku saabsan safarkii uu
dhawaan ku tegay Urdun, ahaana shirkii wasiirrada beeraha ee Carabta.Wuxuuna
sheegay in shirkaas aad loogu soo dhaweeyay wafdigii Soomaalida;
ballan-qaadyo ganacsina ay jiraan, Ururka SAGRA-na waxa uu ugu baaqay
in ay ganacsatada Soomaaliyeed la wargeliyo.
MUDANE Dr. XASAN DHIMBIL OO QAABILAY
SAGRA
Xubno ka socday Ururka Beer-yaqaannada Soomaaliyeed ee SAGRA
ayaa 26-kii April kula kulmay beertiisa Avv. Xasan Dhinbil .
Xubnaha SAGRA, waxa hoggaaminayey guddoomiyahooda Dr.Axmed Hiraabe
.
Mudane Dhimbil, oo si diirran u soo dhaweeeya xubnaha SAGRA wuxuuna
ku bogaadiyey shaqada ay hayaan kana codsaday adeegga ay wadaan
wuxuu kaloo xusay dhibaatooyinka haysta beeraleyda sida cuddurra
geedaha liinta iyo wax soosaar yarida galleyda , taasoo uu yiri
wixii macluumaad ah waan idinka sugeynaa wuxuuna ballan qaaday inay
iskaashi yeelan doonaan.
|